Guddoomiye Cirro Oo Beerta Xorriyadda Hargeysa Kaga Qaybgalay Ololaha Xidbiga Waddani
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANIย ย Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa faagaaraha beerta Xorriyadda ee Magaalada Hargeysa kaga qayb galay ololaha doorashada isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka ee Xisbiga WADDANI oo maanta guud ahaan-ba Gobollada iyo degmooyinka dalka ka bilaabmay.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo masuuliyiin sarsare oo Xisbiga ah ayaa Kumanaan taageerayaasha Xisbiga ah iyo Musharraxiinta kala qayb galay wacdaraha ay fagaaraha beerta Xorriyadda Hargeysa ay ku soo bandhigayaan Jamaahiirta liimiga ah ee Xisbiga WADDANI.