Madaxweyne ku xigeen Afrikaan Ah Oo Fasax ku Qaadanaya Hotel Habeenkii Lagu Seexdo 50,000 oo dollar

Madaxweyne ku xigeenka dalka Equatorial Guinea Teodorin Nguema Obiang, ahna wiilka madaxweynaha dalkaas, ayaa fasax ku qaadanaya jasiirad lagu nasto iyagoo muuqaallo iyo sawirro ay iska qaadeen soo dhigay barta Instagram-ka.

Muuqaalkii ugu dambeeyay   ayaa waxaa la arki karaa isaga oo ku dhex lugeynaya xeeb cidlo ah.

Wuxuu deggan yahay hotel habeenkii lagu seexdo $50,000 (£38,000) kaas oo ku yaalla jasiirad gaar ah, ayuu weriyahaasi ku yiri qoraalkiisa..

Sanadkii 2017 wargeyska The Economist ayaa qoraal uu cinwaan kaga dhigay faataalaha Instagram sidoo kale waa madaxweyne ku xigeenka Equatorial Guinea, wuxuu kaga hadlay nolosha Mr Obiang.

Waxaa qoraalka lagu xusay sawirro uu madaxweyne ku xigeenku ku soo bandhigayo gawaaridiisa iyo guryihiisa qaaliga ah.

Sanadkii 2017, maxkamad ku taalla dalka Faransiiska ayaa ku xukuntay saddex sano oo xadhig ah oo dib loo dhigay, isagoo lagu eedeynayo musuqmaasuq.

Halkan hoose ka daawo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker