Ukraine oo ku siqeysa gudaha Ruushka sida uu sheegay madaxweyne Zelensky
Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in ciidamada Ukraine ay wadaan howlgalo ay ku doonayaan in ay la wareegaan magaalooyin badan oo Ruushka ah, waxa uu intaa hadalka ku daray in haatan ay ciidamadu ku sii socdaan gobolka Kursk ee Ruushka.
Fariin uu soo dhigay baraha bulshada ayuu hogaamiyaha Ukraine ku sheegay in ciidamada ay maanta ka gudbeen meelo kala duwan iyagoona kudaha u gudbay ilaa laba kiilo mitir.
BBC-du si madaxbanaan uma xaqiijin karto sheegashada Ukraine, mana jiraan warar lagu kalsoonaan karo oo sheegaya inta ay la’ egtahay dhulka Ruushka laga qabsaday.
BBC