Booliska Sweden oo dacwad ka gudbiyay ninkii quraanka kariimka ah gubay.

Booliska dalka Sweden ayaa dacwad ka gudbiyay Rasmus Paludan oo ah ninkii abaabulay isku soo baxyadii isbuucii lasoo dhaafay quraanka kariimka ah lagu gubay dhowr magaalo oo Sweden ah. Waxaana gubitaanka kitaabka quraanka kariimka ah ka dhashay rabshado sababay dhaawaca dad badan oo isugu jir boolis iyo shacab.

Booliska ayaa ninkan oo heysta dhalashada Sweden iyo Denmark ku gudbiyay dacwado eedeyn ah oo la xidhiidha naceyb ka dhan dad gaar ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dacwad ay boolisku ka gudbiyaan ninkan, balse dacwado hore oo isla arrimahan la xidhiidha oo ay boolisku horey ninkan ugu gudbiyeen ayaa la laalay ama aan xeer ilaalinta loo gudbin. Laakiin booliska MalmΓΈ ayaa mar kale raba inay sameeyeen tijaabo cusub oo ninkan dacwad loogu soo oogayo.

Ninkan ayaa horey waxaa danbiyo la xidhiidha gacan ka hadal iyo naceyb loogu xukumay gudaha dalka Denmark. Mid kamid ah dacwadaha loogu xukumay ayaa aheyd hanjabaad uu u geystay askari boolis ah.

Ninkan oo heysta dhalashada Sweden ayaa hada sheegay inuu u tartamo doono doorashada golaha shacabka ee Sweden, uuna rabo inuu kamid noqdo baarlamaanka dalka Sweden.

 

Xigasho/kilde: Politiet i Sverige anmelder Paludan etter at han brant Koranen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker