Puntland Oo War-saxaafadeed Ka Soo Saartay Dhaqdhaqaaqyo Ciidan Ay Somaliland Ee Gobolka Sanaag.
Puntland ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo maalmahan ay Somaliland ka waddo degaanno ka tirsan gobolka Sanaag.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu sheegay in Somaliland ay duullaan ku soo qaadday degaanno ka tirsan gobolka Sanaag ee Puntland si ay u curyaamiso dagaalka ay Puntland argagixisada kaga sifeynayso buuraleyda gobolada Bari iyo Sanaag.