Madaxweynaha Cusub Ee DDSI oo Ballan-qaaday In Calanka la beddeli Doono.

Calanka uu Mustafe Cagjar soo jeediyey inuu soo celinayo

Addis-ababa-(OWN)-Madaxweynaha cusub ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar (Mustafe Cagjar ayaa u sheegay dad uu kula hadlayey magaalada Addis ababa in uu ka shaqayn doono sidii loo beddeli lahaa calanka dawlad-deegaanka.

Calanka ayaa qaybta dambe ku leh midab buluug ah oo ay dhexda kaga taallo xiddigta cad ee shanta gees leh, waxaana la joojiyey 8 sano ka hor, markii uu maamulka qabtay Cabdi Maxamuud Cumar.

Hotel ku yaalla magaalada Addis Ababa ayuu ugu sheegay dad lagu qiyaasay ilaa lixdameeyo qof in sidoo kale uu ka shaqaynayo sidii kalmadda Itoobiya looga reebi lahaa magaca dawlad deegaanka oo hadda ah Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, loogana dhigi lahaa dawlad Deegaanka Soomaalida.

“Cafarta oo degta Jabuuti, Itoobiya iyo Eritrea lama yidhaahdo Cafarta Itoobiya, sidoo kalena Orommada oo degta Kenya iyo Itoobiya Lama yidhaahdo Orommada Itoobiya, sidaa darteed iima muuqato sabab loo yidhaahdo Soomaalida Itoobiya” ayuu yidhi Mustafe Cagjar.

Wuxuu intaa ku daray in heesta calanka la soo celin doono qaybtii ku jiri jirtay ee ahayd Soomaaliyey toosa.

Maalmaha fasaxa ee dalka Itoobiya oo ah Sabtida iyo Axadda ayuu sheegay Mustafa in uu ka shaqayn doono inuu soo celiyo sidii jimcaha iyo Axadda looga dhigi lahaa deegaannada Soomaalida, ayadoo loo danaynayo Soomaalida iyo dadka aan muslimiinta ahayn.

Talaabooyinkan ayaa waxaa dabada ka riixayey kooxda Dulmi diid ee ku kacsanaa nidaamkii Cabdi Maxamuud Cumar, dhaqan galintoodana waxay u baahanaysaa in la waafajiyo nidaamka dastuuriga ah ee u yaalla dawlad deegaanka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker