RW Rooble oo ka hadlay weerarkii baarlamanka Soomaaliya lagu qaaday
Tiro madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa maanta lagu weeraray xarunta baarlamanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho xilli ay kulan ku lahaayeen xildhibaanada labada Aqal.
Weerarkan oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhaawacmay dhwor qof, waxaana sidoo kale ka dhashay burbur.
Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyey weerarka oo uu ku qeexay โfalal argagixiso oo la doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Federaalka ah.โ
โIsku dayga maanta waxa uu ahaa fal fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka oo ku guda jira waajib gudashadiisa dastuuriga ah si loo cuuryaamiyo in doorashadu dhaqso u dhammaato,โ ayuu yiri raโiisul wasarae Rooble.
Rooble ayaa intaas ku daray โinuu bogaadinayo dadaalka Baarlamaanka ee dhammaystirka iyo dardargalinta doorashada.โ
โRaโiisul Wasaaruha oo bogaadinaya shaqada naf hurnimada ah ee Ciidamada Qaranka ayaa faray Taliyeyaasha Ciidammadu in ay labalaabaan dadaalkooda ku aaddan suggidda amniga iyo ka hortagista isku day kasta oo lagu carqaladaynayo amniga dalka, gaar ahaan xilligaan lagu guda jiro arrimaha doorashooyinka.โ
Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa kulankii maanta ku ansixiyey jadwalka iyo habraaca doorashada guddoonka golaha shacabka iyo Aqalka Sare.
Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxay dhaceysaa 27-ka April, halka doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare la qorsheeyey inay dhacdo 26-ka April, sida lagu ansixiyey kulankii maanta.