Wariye Cali Fahad oo Boolisku Xidheen iyagoon Xadhigiisa kasoo Xalaalayn Garsoorka Wadanka

Hargeysa (OWN) – Ciidammada Booliska Somaliland ayaa xidhay Weriye ka tirsan Telefiishanka Madaxa-bannaan SAAB  ee Xaruntiisu tahay Magaalada Hargeysa.

Weriye Cali Fahad ayaa Boolisku xidheen Isniintii Shalay  sida Warbaahinta Loo xaqiijiyey.

 

 

Weriyaha la xidhay oo aan la ogayn in Boolisku Xadhiggiisa Maxkamad ka soo xalaashadeen iyo in kale, ayaa la sheegay in Ciidammadu ka soo qabteen Guriga uu deggan yahay.

Warar kala duwan oo ka soo baxaya Xadhigga Weriyaha ayaa sheegaya in Boolisku ay u xidheen qoraal kooban oo uu ku ku baahiyey barta uu ku leeyahay Facebook, kaasi oo uu ku sheegay in Gaadhi ka mid ah Gaadiidka Boolisku uu jiidhay Gaadhi Tukhaan ah,

Balse Dirawalkii Gaadhiga Taksiga ah oo koomo ku jira uu Gaadhigii Boolisku isaga Tegay, inkasta oo aanay jirin Cid xaqiijinaysa inay arrintu sidaa u dhacday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker