Dowladda Itoobiya oo xabsiga dhigtay koox isku dayday in ay afgambiyaan dowladda Abiy Axmed

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay xabsiga dhigtay ilaa 50 qof oo looga shakiyay in ay wadeen qorshe ay ku “afgambinayaan” dowladda.

Shan ka mid ah dadkaan waxaa lagu xiray caasimadda Adisa Ababa, kuwaas oo si gaar ah loogu eedeyay in ay isku dayeen qorshayaal lagu dilayo sarakaiil laguna afgambinayo dowladda ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu hoggaamiyo.

Hadalkaan waxaa baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta gudaha.

Ciidamada ammaanka iyo kuwa sirdoonka Itoobiya oo raggaan soo qabtay ayaa sheegay in ay huriyeen rabshado amni darro oo ka jira caasimadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker