Ciidamada JSL Oo Xabsiga U Taxaabay Hal-abuure Maxamuud Jeesto
Ciidamada Somaliland ayaa goordhoweyd xabsiga magaalada Burco u taxaabay Hal-abuur Maxamuud Jeesto oo kamid dhalinyarada Gobolka Togdheer.
Jeesto, waxaa loo haystaa qoraal uu galabta ku qoray bartiisa Facebook kaas oo uu Taliyaha Ciidamada Qaranka Soomaaliya General Odowaa ku ammaanay dhisamaha ciidamada Soomaaliyeed.
Maxamuud Jeesto, sidoo kale waxa qoraalkan lagu xidhay uu ku sheegay in ciidamada Somaliland uu la hadhay Taliye Nuux Taani oo ah Sarkaal kacaan ka hadh ah una kala abtiriya ciidamada kaas oo ku sifoobay qabyaalad waa sida uu hadalkiisa u dhigay e.
Somaliland caawa waa qofkii labaad ee loo xidho aragtidiisa shaqsiga ah oo uu ka sheegay warbaahinta ama baraha bulshada.