Maxaa Ka Jira In Somaliland Siinayso Marykanka Saldhig Militari , bedelkeeda ka rabto Maraykanka aqoonsi.

Wargeyska caanka ah ee Wall Street Journal ayaa daabacay warbixin ku saabsan in Somaliland Saldhig Miltari ka siinayso Baddeeda islamarkaana bedelkeeda ka rabto Maraykanka aqoonsi.

Sida ay qortay jariirada (The Wall Street Journal) Somaliland ayaa dadaal ugu jira inuu siiyo ciidammada Maraykanka isticmaalka dekedda iyo garoon diyaaradeed, tallaabadan oo qeyb ka ah dadaalka Soomaliland ee in loo aqoonsado waddan madax-bannaan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo rajaynaya inuu ka faa’iidaysto walaaca sii kordhaya ee Maraykanku ka qabo galaangalka Shiinaha ku yeeshay Qaarada Afrika, ayaa waxa uu qorsheynayaa inuu bisha soo socota ee march socdaal ku tago magaalada Washington, isagoo indho-indheenaya xiisaha Maraykanku u qabo isticmaalka xarumaha Berbera. Magaaladu waxay ku taal gacanka Cadmeed, oo ah marin muhiim ah oo isku xidha Badweynta Hindiya, Kanaalka Suweys iyo Badda Mediterranean-ka.

Madaxweynuhu waxa uu si dhab ah u soo dhawaynayaa joogitaanka Maraykanka iyo ilaalinta marin-biyoodka,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr.Ciise Kayd.

“Mareykanku waa inuu si degdeg ah uga falceliyaa,” ayuu yidhi Mr. Kayd.

Xasilooni la’aanta sii socota ee Geeska Afrika iyo kor u qaadista tartanka caalamiga ah ee kheyraadka iyo saameynta ayaa ka dhigaysa mid aad muhiim u ah in aan la shaqeyno saaxiibada isku fikirka ah ee gobolka, sida Somaliland, oo ay ka go’an tahay nabadda, dimuqraadiyadda, iyo barwaaqada,” ayuu yidhi Senatorka laga soo doorto gobalka Idaho Mr.Jim Risch, oo ka tirsan xubnaha Jamhuuriga ee Guddiga Xidhiidhka Dibadda.

Doodda ku saabsan mustaqbalka Somaliland ayaa ku soo beegantay iyadoo Maraykanka iyo Shiinaha ay ku tartamayaan saamaynta ay ku leeyihiin Afrika.

Sannadkii 2017-kii, Shiinuhu waxa uu Jabuuti ka furay saldhigoodii millatari ee ugu horreeyay oo ay dibada ku leeyihiin, oo ku dheggan Somaliland, oo ku yaalla marinka Bab el-Mandeb, oo ah meel halis ah oo u dhaxaysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Saldhigga Shiinaha oo ay saraakiisha Maraykanku sheegeen in uu ku filan yahay in lagu xidho markab xambaara diyaaradaha iyo maraakiibta Nukliyeerka ah ayaa ku yaal meel (6 mile) u jirta saldhigga ugu weyn ee ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Afrika ee Camp Lemonnier oo ay ku sugan yihiin 4,500 oo askari oo Maraykan ah.

Inkastoo ayna muujinin wax calaamad ah oo ay ku doonayso inay sidaas sameyso, haddana Jabuuti waxay si sharci ah uga codsan kartaa Maraykanka inuu xidho saldhiggiisa wakhti kasta, taasoo ka dhigaysa ciidamada Maraykanka inay u hanqal taagayaan sidii ay meel kale u heli lahaayeen.

Hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa rumeysan in Shiinaha uu sidoo kale doonayo in uu saldhig ciidan ka samaysto dalka (Equatorial Guinea), oo ku yaall xeebta Atlantic ee Afrika. Washington waxay u aragtaa tallaabadan oo kale mid khatar gaar ah leh waxayna isku dayaysaa inay ku qanciso dawladda Equatorial-Guinea inay diido codsiga Shiinaha.

Somaliland ayaa u aragta in tartanka quwadda weyni inuu fure u yahay xoojinta maqaamkooda caalamiga ah oo ay muddada dheer raadinayeen.

Haddii Shiinuhu uu xoog ama hab kale ku qabsado dalkeenna, markaa marin-biyoodyada wuxuu u gacan geli doonaa Shiinaha,” ayuu yidhi Md. Kayd, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Somaliland waxay sannadii 2020 xidhiidh dublamaasi la yeelatay jasiirada Taiwan, jasiiraddan ayuu Shiinaha u arkaa qeyb kamid ah dalkooda. Shiinaha oo tallabaadan kasoo horjeestay ayaa sheegay inuu xoojinayo xidhiidhka uu la leeyahay Dowlada Soomaaliya ee Muqdisho.

Bishii Augusto, markii ciidamada Maraykanku kasoo baxeen Afgaanistaan, Somaliland waxay u soo bandhigtay Maraykanka in dhulkooda la keeno kumanaan qaxoonti ah ee dadkii la shaqeyn jiray Maraykanka oo hadda ka baxsanaya Talibanka. Balse waxaa soo jeedintaas ka diiday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Isla bishaas, waxa magaalada Berbera ka soo degtay diyaarad nooca xamuulka qaada oo Maraykanku leeyahay oo siday tobaneeyo askari oo Maraykan ah, kuwaas oo qiimayn ku sameeyey dekedda iyo garoonka diyaaradaha, sida ay sheegeen saraakiil maxalli ah iyo kuwo Maraykan ah. Jidka diyaaraduhu wuxuu ka mid yahay kuwa ugu dheer Afrika, waxaana dowladii hore Soomaaliya madaarkaasi ka kireysay Maraykanka si uu halkaasi u isticmaalo shuttle-ka hawada sare ee NASA hadii loo baahdo, walow ayna marna isticmaalin garoonkaas.

Shirkadda Imaaraatka ee DP World ayaa leh 65% dekedda Berbera, iyadoo Somaliland ay haysato 35%, sida ay sheegtay xukuumadda Somaliland.

Ciidamada Maraykanku waxa ay leeyihiin “xaruntooda kowaad waa Jabuuti laakiin waxay doonayaan inay helaan qorshe labaad, Somaliland-na waxa ay noqon doontaa qorshaha (Plan B),” ayuu yidhi Tibor Nagy, oo kamid ahaa Saraakiishii dublamaasiyadda Wasaaradda arrimaha dibadda ee Afrika xilligii maamulka Trump.

Bishii Nofembar, Mr. Kayd, oo ah muwaadin Maraykan ah, horena u ahaa dhakhtar cilmi-nafsiga neerfaha ee cisbitaalka magaalada Boston, ayaa booqday Washington si uu uga shaqeeyo xidhiidhka Congress-ka Maraykanka.

Bishii xigtay, koox ka mid ah kaaliyeyaasha sare ee Congress-ka Maraykanka ayaa booqasho ku tagay Berbera iyo Hargeysa — socdaalkaasi oo qeyb ka ahaa dadaalka xulafada Maraykanka ee Somaliland si ay dardar u geliyaan qorshaha xukuumadda Somaliland.

Magaalada London, xildhibaanada taageersan Somaliland ayaa bishii hore ku yeeshay dood baarlamaan oo ay dabada ka riixayeen in la aqoonsado.

Sannadkii hore, Mr. Risch, oo ah senator-ka laga soo doorto (Idaho State) ee Maraykanka, ayaa soo bandhigay sharci u baahan in Pentagon-ka ay daraasad ku sameeyaan fikradda iskaashiga difaaca laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland, iyada oo laga gudbayo Muqdisho. Qorshahan ma guuleysan, laakiin Mr. Risch waxa uu damacsanaa inuu bilaabo wadahadalka tooska ah ee dhexmara Washington iyo Hargeysa.

 

Somaliland Offers U.S. Military Access to Port, Airfieldas It Pushes for Nationhood

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker