Puntland Oo U Digtay Hay’adaha Ka Hawlgala Puntland Inay Joojiyaan Shaqaalaha Ajnabiga ah

Madaxweyne ku xigeenka maamulka  Puntland, Eng. Cabdi Xakiin Cumar Camey ayaa ku amray hay’addaha ka howgalla gudaha Puntland inay joojiyaan shaqaalaha ajnabiga ah ee ay ka keensayaan dalka dibadiisa.

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay kororka shaqaalaha ajnabta inay xidhiidhweyn laleedahay shaqo la’aanta haysata dhalinyarada Puntland.

 

Waxaa madaxweyne ku xigeenka sheegay in shaqo la’aantu sabab u tahay amni xumada iyo in Daacish iyo Al-Shabaab  fursad u helaan inay dhalinyarada ku soo xero galiyaan lacago aan badnayn oo loogu adeegsanayo inay dalkooda ka dhigaan meel amni darro ah.

 

Shaqo la’aan Baahsan ayaa xilligan waxaa ay ka jirtaa Degaanada Maamulka Puntland iyo Qaar ka mid ah Gobalada dalka.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka  Puntland,

Eng. Cabdi Xakiin Cumar Camey

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker