Mareykanka iyo Sacuudiga oo ka wadahadlaya xaaladda Qasa

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka Anthony Blinken oo ku sugan Sacuudiga ayaa wadahadal la yeeshay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay xaaladda Qasa oo maraysa meel adag.

Anthony Blinken socdaalkaan uu ku tagay dalka Sacuudiga waxaa uu qayb ka yahay safar ua ku marayo gobolka, isagoo booqan doona sida qorshuhu yahay Masar iyo Israa’iil.

Blinken ayaa sidoo kale waabarigii hore ee saaka kulan la yeeshay dhigiisa Sacuudiga Faysal Bin Farxaan, iyadoo ay isla soo qaadeen labada nin in loo baahanyahay ilaalinta dadka rayidka ah ee eer Falastiin ee wajahaya duqeymaha iyo dagaallada aan kala joogsiga lahayn.

Washington ayaa wadda dedaallo yoolkoodu yahay gaarista xabad joojin la kala dhex dhigo Israa’iil iyo Xamaas si ay suurta gal u noqoto in dadka dhibaataysan gargaar la gaarsiiyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker