Nin U Hanjabay Ilhaan Cumar Oo Lagu Xiray Mareykanka

Booliska Mareykanka ayaa magaalada Folorida ku qabtay nin logu tuhunsan yahay in ay madax martay cunsuriyadda naceybka dadka soo galootiga ah iyo kuwa Islaamka a, kadib markii uu cod maqal ah u diray xubno ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga ee Mareykanka.

Eedeysanahan oo 49 sano jir ah ayaa waxaa Lagu Magacaaba John Kless,waxaana lagu eedeeyay in hanjabaad ah uu u diray Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib oo ah haweenka Muslimka ah ee ku jira xisbigga Dimoqraadiga.

Ninkan ayaa sidoo kale fariimo xambaarsan naceyb iyo hanjabaadyo dil ah u diray Eric Swalwell oo ah nin doonaya in xisbiga Dimoqraadiga uu ku matalo doorashooyinka sanadka 2020-ka ee madaxtinimada dalka Mareykanka.

Waxaa kaloo ka mid ah dadka uu u hanjabay ninkan ku sifoobay isir naceybka Cory Booker oo ah Senetor madow oo Amerikaan ah.

Ninkan ayaa la sheegay in uu fariintiisa codka ah ku muujiyay naceybka uu u qabo Ilhaan Cumar,waxaana uu sidoo kale afka ku ballaariyay sida uu u arko sarreynta dadka caddaanka ah.

John Kless, ayaa fariintiisa ku difaacay Madaxweyne Trump,wuxuuna uga digay siyaasiyiinta in ay joojiyaan mucaaradnimada ay ku hayaan Madaxweynaha Mareykanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker