Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Shil Gaadhi oo ka dhacay Magaaladda Burco.

Alle ha u Naxariistee inta la xaqiijiyay ilaa Laba qof ayaa ku dhimatay dad kalena waa ay ku dhaawacmeen shil Gaadhi oo Maanta ka dhacay Agagaarka Hotelka isha Burco ee Magaalada Burco.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen Gaadhi Booyad ah iyo Mooto Bajaaj, waxaa sidoo kale shilka uu sababay khasaaro dhaawac ah oo gaaray dad saarnaa Mooto Bajaajta.

Ciidamo katirsan kuwa ilaalada waddooyinka ee taraafikada ayaa gaadhay halka uu shilka ka dhacay, iyaga oo dhaawacyada geeyay Isbitaalka Magaalada Burco sidoo kalena kala qaaday Booyada iyo Mooto Bajaajta isku dhacay.

Shalay ayay aheyd markii shil gaadhi oo ay ku geeriyoodeen Saddex qof uu ka dhacay wadada u dhaxeeysa Magaalooyinka Burco iyo Berbera ee Gobolka Togdheer .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker