Xeer ilaaliyaha Guud Ee Israa’iil Oo Sheegay In Dacwad Musuq-maasuq Lagu Soo Oogayo Ra’iisul-wasaare Benjamin Netanyahu.

Xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil ayaa damacsan inuu dacwad ku saabsan musuqmaasuq kusoo oogo ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu. Avichai Mandelblit ayaa sheegay in Mr Netanyahu uu wajihi doono maxkamadeyn la xiriirta laaluush qaadasho, wax isdaba marin iyo in uu ku xad gudbay aaminaaddii lagu qabay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa loo heystaa ilaa saddex dacwadood, hase yeeshee waxaa wali laga dhur sugayaa xilliga la sameyn doono dhageysiga kama dambeysta ah ee dacwaddiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker