Will Smith oo Dhirbaaxay Actorka majaajilaystaha CHRIS ROCK iyo Sababta

Dhacdadii geesinimada lahayd Ee xalay ka dhacday Abaal Marinta Oscarka

Will Smith ayaa wejiga ka dharbaaxay Actorka majaajilaystaha CHRIS ROCK oo masraxa Oscars ka ahaa daadihiye , ka dib markii uu wax ka sheegay muuqaaka Timaha Ee xaaska Actorka will smith Jada Smith , Xaaska Will smith ayaa xanuun muddo la tacaalaysay , Xanuunkaas oo loo yaqaano ALOPECIA Kaas oo difaaca jidhka wax u dhima sababana in timuhu daataan

Chris Rock waxa uu sameeyay kaftan u ekaa liidnimo & jees jees oo uu kula kaftamay xaaska Will Smith, Jada Pinkett Smith, taasoo keentay khilaaf goobta ka dhacay

will smith ayaa yidhi Magaca xaaskayga ka fogee afkaaga, ” isagoo xataa ku celceliyay markii ay dhagaystayaashu aamuseen

Will Smith wuxuu u muuqday mid qoslaya ka dib faallooyinka Rock. Intaas dabadeed waxa uu ka yaabiyay daawadayaashii barmaajijka isaga oo inta uu kacay oo soo booday ka dibna wejiga ka DHIRBAAXAY CHRIS ROCK . Rock ayaa Isaguna dhirbaaxad ka dib ku fal celiyay Wow,”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker