Dadweynaha Reer Hargaysa Oo Xukuumadda Ugu Baaqay In Laga Soo Gaadho Shirkadda Korontada Sompower.

Dadweynaha Reer Hargaysa Oo Xukuumadda Ugu Baaqay In Laga Soo Gaadho Shirkadda Korontada Sompower.

Waxgaradka,Haweenka Iyo Bulshada Danyarta Ah Ee Xaafadaha Magaalada Hargeysa Ayaa Cabasho Ka Muujiyay Qiimo Ay Sheegeen Inaanu Ahayn Wax Caqliga Geli Kara Oo Ay Bil Kasta Kusoo Dalacdo Shirkaddaasi Sompower Dadka Korontadooda Isticmaala.
Waxay Tilmaameen Inay Dhibaato Weyn Iyo Gumaysi Ku Hayaan Ummadda,Iyagoo Qoys Kasta Lacagta Ay Kusoo Dalacaan Bishii 70ka Dollar Ugu Yar Yahay. 
Waxay Sheegeen In Aanay Haysan Sharci Iyo Xukuumad Ay Cabashadooda U Gudbiyaan.Iyaga Oo Geesta Kale Sheegay In Aanay Haysan Shirkad Kale Oo Ay Uga Wareegaan, Kadib Markii Ay U Shuraakoobeen Si Ay Dadka U Go’doomiyaan.

Waxaanay Intaasi Ku Dareen In Wershadii Laydhka Oo Ahayd Hanti Ummaddu Leedahay Bulshadii Hub Looga Dhigtay,Oo Ganacsatadu Kula Dagaalamayso..

Si Kastaba Ha Ahaatee Waxa Nasiib Darro Ah In Raggii Maal Qabeenka Ahaa Ee Wershadii Laydhka Ee Hargaysa Sifaha Xaaraanta Ah Loogu Wareejiyay,Ay Maanta Bulshadii Danyarta Ahayd Cadaadis Ku Saaraan Qiimo Aanay Awood U Lahayn…
Iyadoo Ka Sokow Wareejinta Wershada Laydhka. Waxyaabaha Aan Ilaa Haatan La Is Waydiinin Ay Ka Mid Tahay,Waxa Ay Xukuumaddu Dhaafsatay Ama Ganacsatadaasi kaga Bedelatay.
Mashaariicdii Xadhkaha Dabka Qaada ,Tiirarkii Sabbadda Ahaa EeTobanaankaSanadood lagu Taxayay Qaybaha Magaalada Iyo Hawlgaladii Dabgelinta Xaafadaha Magaalada Hargaysa Ee Soo socday ilaa 1960kii.

 

halyey cabdi nuur

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker