“Waxaanu Ballan Qadaynaa in aanu Dalka ka Tirtirno Khamriga iyo Xashiishadda”: Ciidanka booliska Somaliland

Ciidanka booliska Somaliland ayaa hawlgalo ay sameeyeen habeenadii u danbeeyey gacanta ku soo dhigay noocyo ka mid ah mandooriyayaasha, gaar ahaan Khamriga.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland sarreeyo guuto, Cabdiraxmaan Liibaan Ismaaciil (Fooxle) ayaa sheegay in ciidanka boolisku ay dedaal weyn ugu jiraan sidii ay dalka uga cidhibtiri lahayeen khamriga iyo xashiishada oo hadda dalka ku soo batay.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland sarreeyo guuto, Cabdiraxmaan Liibaan Ismaaciil (Fooxle) oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaannu ballan-qadaynaa in aanu dalkeena ka tirtirno khamriga iyo xashiishada la soo gelinaayo, cid kasta oo ku shaqaysata ama dalka soo gelisana sharciga la horgeynaayo oo tallaabo adag laga qaadayo.”

Taliye Fooxle ayaa ka warbixiyey noocyada iyo cadadka khamriga ah ee ay soo qabteen waxan uu yidhi “Ciidanka boolisku waxay soo qabateen khamri noociisu yahay Daray jiin oo dhan saddex iyo afartan litir, Biinku waa soddon iyo sagaal litir iyo siddeed iyo labaatan shirikaan oo khamriga laga soo buuxiyey, hawlgalkaasi wuu soconayaa meel kasta gacanta ayaannu la galaynaa.”

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland sarreeyo guuto, Cabdiraxmaan Liibaan Ismaaciil (Fooxle) waxa uu shacabka ugu baaqay in ciidanka ay garab siiyaan, waxaana uu yidhi “Shacabka waxa aannu ka codsanaynaa in meesha ay ku tuhmaan daroogo, khamri iyo xashiishad in ciidanka ay u soo sheegaan oo ay ku soo wargeliyaan, si ay waajibkooda uga guntaan.”

Maaha markii ugu horraysay ee ciidanka booliska Somaliland ay gacanta ku soo dhigaan waxybaaha maanka dooriya gaar ahaan khamriga iyo xashiishada .

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker