Kulanka Madaxwaynayasha Maraykanka iyo Ruushka oo ka dhacaya magaalada Helsinki

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, ayaa kulankoodii ugu horreeyey oo rasmi ah waxa ay 16-ka July ku yeelan doonan magaalada Helsinki ee dalka Finland.

Xaqiijinta kulanka oo ay sameeyeen labada dhinac ayaa yimid maalin kadib markii la-taliyaha amniga qaranka Trump John Bolton uu la kulmay saraakiil sare oo Russian ah oo uu Putin ku jiro, si loogu gogol xaaro kulanka.

“Madaxweyne Trump ayaa I weydiistay inaan imaado oo aan mas’uuliyiinta Ruushka kala hadlo kulanka labada madaxweyne” ayuu yiri Bolton oo weriyayaasha kula hadlay Moscow.

“Waxaa jira waxyaabo badan oo Trump iyo Putin ay si wada-jir ah xal ugu heli karaan, inkasta oo ay jiraan arrimo ay isku khilaafsan yihiin” ayuu yiri Bolton.

Kulanka ayaa ay xaqiiq tahay inuu sare usii qaadi doono isha sida goonida ah loogu hayo xiriirka Aqalka Cad uu la leeyahay dowladda Ruushka, ayada oo uu socdo baaritaan lagu hayo xiriir dhex maray ololihii doorashada Trump iyo saraakiil xiriir la leh Kremlin-ka

XIGASHO (VOA)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker