Wararka Laga Helayo Deegaanka Ceel-afweyn Ayaa Sheegaya In Dagaal Culus Xalalay Uu Ku Soo Qaadey Korneyl Caare Ciidamada Somaliland Ee Dagan Aagaasi.

Ceel-afweyn-(OWN)-Wararka  ka nagasoo gaadhaya  Magaalada Ceel Afweyn waxaa ay sheegayaan in Ciidamo uu hogaaminayo Korneyl Caare ay xalay weerar ku soo qaadeen Saldhig Ciidan oo ku yaala Magaalada Ceel Afweyn  isla markaana ay daganaayeen  ciidamada ku sugan magaladaasi

Korneyl Caare ayaa wararku sheegayaan  in uu u soo degay ciidankaasi , oo uu amar ku bixiyey inay Saf galaan isla markaana sida ay xoguhu sheegayaan  uu  qoryihii ka urursadey , waxaana ciidankaas  Caare ku amray inay Saf galaan uu ka baxsadey hal Askari oo ka tirsan ciidanka Asluubta kaas oo uu dhawaac gacanta ka soo gaadhey .

Wararka ayaa  intaas ku daraya in marki danbe ay rasaas is weydaarsadeen Ciidankaa Jabhada Caare iyo ciidankii ku suganaa Magaalada Ceel Afweyn.

Arintan ayaa waxaa ay  ku soo beegmaysaa xilli ay magaalada Ceel Afweyn ku sugan yahiin laba wasiir oo ka tirsan xukuumada Muuse Biixi kuwaas oo kala ah wasiirka ciyaaraha iyo Wasiirka Shaqo Galinta , kuwaas oo la sheegay inay gogol xaadh u yahiin madaxweyne Biixi oo la filaayo inuu Ceel Afweyn Gaadho.

Ilaa hada ma jiro wax  war  ah oo ka soo baxay dhinaca xukuumada Somaliland oo  dagaalkan xalay lagaga  Hadley .

Natiijada sawirka breaking news

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker