Wasiir SHUKRI Bandarre Iyo Jarista GEED GOB AH Oo Muddo Badan Ku Yaallay Guddaha Hargeysa

Waxa Iswaydiin Muddan Sababta had Iyo Jeer Loo Jaro Dhirta Qo’yan ee Ku taalla Guddaha Caasimadda Hargeysa.
Jawaabtan Waxa Laga Rabaa Wasiirka Wasaaradda Illaalinta Iyo Horumarinta Deegaanka Ee JSL Marwo SHUKRI Xaaji Ismaaciil Bandarre  Inay Ka Jawaabto  Sababta dhabta ah ee had Iyo Jeer loo jarro Dhirta Qo’yan Ee Guddaha Magaaladda Hargeysa Ku taalla, Maadaama Oo Aynu Wadda ogsoonahay faa’iddooyinka ay Noolaha Iyo bilicda Magaaladda Hargeysa u leeyihiin Dhirta Qo’yani.

Sidda Sawiraddan Idiinka muuqataa Waa GOB Ah oo la jaray mar dhoweyd, kuna yaalla cidhifka Waqooyi Ee fooqa Ilma Af-qalooc ee barina ka xiga Tiyaatar Mall-ka Hargeysa Ama Saldhiga bileyska Ee New Hargeysa (Rugta Kutubta).

Haddaba   Wasiir Marwo SHUKRI Xaaji Ismaaciil Bandarre   ma war Haysaa Sababta Keentay jarista geedkan Taariikhiga Ahaa Ee muddadda Badan Ku yaallay Bartamaha Hargeysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker