Madaxweynaha P/Land Oo Qorshe Cajiib Ah Ka Damacsan Xafladiisa Caleemo Saarka “Maxaa Dhacaya?”
Garoowe-(OWN)-Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro xaflada caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qorshe muhiim ah ka damacsan munaasabada lagu caleemo saarayo, waxaana la filayaa inay ka qeyb galaan munaasabada xubno kala duwan.
Xubnaha mucaaradka, madaxdii hore ee dalka iyo madaxda hadda talada haysa ayaa lagu casuumay inay ka qeyb galaan munaasabada caleemo saarka madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweynayaashii hore ee dalka SHariif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheikh Maxamuud ayaa lagu casuumay inay ka qeyb galaan munaasadda sida ilo xog ah ay sheegeen
Sidoo kale waxaa wararka soo baxaya ay sheegayaan in munaasadda lagu casuumay hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame iyo madaxweynaha Jubbaland oo si weyn u dhaliilsan xukuumadda hadda dhisan.
Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa shaki weyn la gelinayaa inay ka qeyb galaan caleemo saarkaasi, waxaana dadka la hadal hayo inay ka qeyb galayaan munaasadda wasiirka arrimaha dibadda ama wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Saciid Cabdullaahi Deni uu damacsan yahay in xubnaha mucaaradka iyo madaxda dowladda ku wada hadlaan magaalada Garowe iyadoo fursadda laga faa’ideysanayo.