Madaxweyne hore Axmed Siilaanyo Oo Kulan isugu Keenay Wasiir Maxamed Kaahin iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi
Madaxweyne hore Axmed Siilaanyo oo ay kulan la yeeshay Wasiir Maxamed Kaahin iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi iyo xubnaha xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE ee dedaalka ku bixiyay sidii loo dhammayn lahaa xurguftii iyo kala duwanaashiyihii damacooda siyaasadeed ee Wasiir Maxamed Kaahin iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi oo arrintaasi la dhammeeyay lana heshiisiyay.
Kulamada heshiisintooda iyo isku keenistooda ayay qayb wayn ka qaaten Wasiir Maxamed Xaaji Aadan, Gudoomiye Cabdikariin Xinif, Wasiir Hore Jaamac Maxamuud Cigaal iyo Amb. Baashe Cawil.
Wada hadalada ayaa ka qabsoomayay hoyga Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilanyo oo sawirantana ay ku wada jiraan Siyaasiyiinta qaarkood ka tirsana xukuumadiisii iyo Xisbiga KULMIYE ee uu aasasay.
Wada hadalada Maxamuud Xaashi iyo Xisbiga KULMIYE ayaa la sheegay inay marayaan meel wanaagsan iyagoo dedaalada ugu badan ay ku bixiyeen arrinkaas Madaxda xukuumada iyo Xisbiga KULMIYE ee sawiraantan ka muuqda.