Abwaan Yuusuf Shaacir Oo Ka Hadlay Xaaladda Siyaasadda Ee Dalka Jabuuti.
Abwaan Yuusuf Shaacir Oo Ka Mid Ah Abwaannadda Somaliland Oo Ka Hadlay Xaaladda Murugsan Ee Dhanka Siyaasadda Ee Ka Jirta Dalka Jabuuti.
Abwaan Yuusuf Shaacir Oo Ka Mid Ah Abwaannadda Reer Somaliland, Ayaa Ka Hadlay Xaaladda Murugsan Ee Dhanka Siyaasadda Ee Ka Jirta Dalka Jabuuti.
Abwaan Yuusuf Shaacir, Ayaa Ugu Baaqay Dadweynaha Reer Jabuuti Ee diiddan Xukunka Dabadda Dheeraadday Ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Inay Xaaladda Dalka Cagta u Dhigaan, Isla-markaana Aanay dalkoodda u Horseeddin Xaaladdaha Ay Sugan Yihiin Dalalka Somaaliya Iyo Liibiya, taasoo Ahayd Xaaladdo Laga dhexley Madaxweyneyaal Xukunka Xoog Lagaga Tuuray.
Geesta kale Waxa Uu Abwaan Yuusuf Shaacir, Ayaa u Soo Jeeddiyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Inuu Dalka U Diyaariyo Nidaam Uu Dalka Xukunkiisa Ugu Wareejiyo Hab Nabad galyo Iyo Doorashooyin.
Abwaan Yuusuf Shaacir Wuxuu Yidhi Siddan”Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele waligay lamaan kulmin xumaan iyo samaan midna nama dhexmarin haddanna wax muraad ahi igagama xidhna.
Laakiin saaka waxaan baraha bulshada ku arkayey buuq Siyaasaddeed oo laga soo sheegayo dalka Jabuuti qof wax garad ahi ku farximaayo in xasaradi ka dhalato jabuuti.
Madaexwayne si jujuub ah lagu rido waxaa tusaale inoogu filan Liibiya iyo Soomaaliya taa ugama jeedo in aan taageero u muujiyo madaxdaa hore ama Geelle laftiisa balse waxaan la hadlayaa dadka caadiifadaysan ee leh ha ina dhaafo.
Waxaan leeyay si nabdoon ha loo badalo isaga iyo xukuumaddiisuna ha diyaariyeen qaabkii is badel ku iman lahaa iyadoo la eegaayo daganaansha dalka iyo waaya aragnimada laga dhaxlay xukun maroorsiga aan qaarkood soo sheegay”.
Si Kasta ha Ahaatee Waxa Dalka Jabuuti Ka Jirtay Muranno Siyaasaddeed Oo Looga horjeeddo Xukunka Dabadda Dheeraadday Ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.