Weerar Lagu Qaaday Xaflad Dad Yahuud ahi ku Qabsadeen Magaalada New-york Ee Dalka Marykanka.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacantay Weerar toorrey loo adeegsaday oo lagu qaaday guri uu lahaa wadaad Yahuudi ah oo ku yaala deegaanka Monsey, ee waqooyiga magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaasoo ay ka socotay munaasibad diini ah.

Ninka weerarka gaystay ayaa ka baxsaday goobta, balse booliiska ayaa sheegay inay markii denbe gacanta kusoo dhigeen eedeysanahaasi, mana cada ilaa iyo hada ujeedada weerarkan.

 

Golaha Bulshada Yahuudda ah ayaa canbaareeyay dhacdadan iyagoo sheegay in weerarkan uu dhacay xilli ay socotay xaflad diini ah,waxayna Golahan Bulshada Yahuudda ka dayriyeen xaalada mid ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarkan kaasoo ilaa lix jeer la galiyay tooraydda.

 

Yossi Gestetner, oo ka mid ah mas’uuliyiinta Yahuudda ayaa sheegay in Xilliga uu weerarku dhacayay ay dad badan ku jireen gudaha dhismaha.

Duqa magaalada New York Andrew Cuomo ayaa sheegay inaan la qbali karin weerarada Yuhuud nacaybka ku salaysan, isagoo ku tilmaammay ficil fulaynimo ah.

Dhacdadan ayaa ka dambeeysay markii ay soo baxeen hanjabaado Yahuud naceyb ah, waxuuna sidoo kale kusoo beegmayaa maalin kadib markii Booliska magaalada New York ay talaabooyin amniga kor loogu qaadayo ka fuliyeen xaafadaha ay degganyihiin dadka Yahuuda ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker