Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo Cadeeyaay Sabaabta uu U Dhintay Marxuum Cabdinaasir

Agaasimaha Isbitaalka Hargeysa Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan ayaa sheegay in maydka marxuumka ay ku sameeyeen baadhis qaadatay muddo 48 saacadood ah, isla markaana ay ku ogaadeen in Cabdinaasir lagu ceejiyay xadhig dhumucdiisu wayn tahay muddo shan iyo illaa todobo daqiiqo ah.

Waxa kaloo baadhista lagu ogaaday in daanka midig uu jaban yahay, jug weynina ay gaadhay.

Isla baadhitaanka waxa kale oo lagu ogaaday in xiniinta bidix ay jug weyni gaadhay, barar badana uu ka muuqdo.

Isha bidix ee marxuumka ayaa iyana waxa gaadhay dhaawac culus, waxana jirka intiisa kale ka muuqata dhawaacyo kale.

Agaasimaha Isbitaalka Hargeysa Dr Cabdiraxmaan ayaa soo jeediyay eedeyn culus oo ah in maydka marxuumka talaagadii uu ku jiray sedexdii maalmood ee u dambeysay laga jaray dabka, taasoo badashay jidhka marxuumka isla markaana uu dibiray, waa sida uu shirka jaraa’id ka sheegay Agaasime Dr Cabdiraxmaan.

Ugu dambeyn baadhitaanka lagu sameeyay maydka marxuum cabdinaasir ayuu sheegay Agaasimaha Isbitaalka Hargeysa, in sababta uu u dhintay ee ugu weyni tahay ceejinta marxuumka la ceejiyay oo keentay neef qabatin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker