Ninka Ciraaqi Ah Oo Guursaday Gabadha Boqorka BurunaiIyo Doodda Ka Dhalatay Xafladda Arooskooda

Amiirad Fadzillah Lubabul, oo 36 jir ah, oo uu dhalay maalqabeenka iyo Boqorka waddanka Burunaay Suldaan Xasan Bolkiah, oo 75 jir ah, kana mid ah maalqabeennada adduunka, iyo xaaskiisa labaad Maryan Cabdulcasiis, oo hore uga shaqayn jirtay duulimaadka, waxay qabteen xaflad weyn oo ballaadhan oo aqal gal ah taasi oo ay isugu dhiseen Inanta uu dhalay Boqorku ee Amiirad Fadzillah iyo wiilka ay calmatay ee asalkiisu ka soo jeedo waddanka Ciraaq Cabdullaah Nabil Maxamuud Al-Hashimi, xafladdaasi oo warbaahinta adduunka aad uga hadashay si qurux badana u qabsoontay.
Brunei’s Sultan Hassanal Bolkiah iyo Queen Saleha ayaa guddoomiyay arooska Royal Famly-ga ah ee dhex maray Amiirad Fadzilah Lubabul iyo Cabdullaahi Nabiil Maxamuud Al-Haashimi oo ka soo jeedda waddanka Ciraaq, Xafladda Arooskaasi oo ka dhacday Qasriga weyn Istana Nurul Iman eek u yaalla waddanka Saldanadda Burunaay.
Shacabka reer Burunaay ayaa aad u hadal haya in amiiradda waddankooda ee uu Boqorkoodu dhalay ay calmatay wiil ajanabi ah oo u dhashay waddan kale inkasta oo Burunaay ay Muslimiin yihiin haddana waxa hadal haynta dhalisay in qoyska reer Boqor uu galay wiil dal kale u dhashay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker