Dawladda Imaaraadka Carabta oo U muuqata mid ka Tanaasushay Cadaawadii ay ku Waday Dalka Iiraan

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa u muuqata inay dib uga guraneyso xiisaddii ka dhaxeysay dalalka Khaliijka iyo dalka Iraan, ayada oo beddeshay mowqifkeedii hore.

Wasiirka arrimaha dibedda Imaaraadka, Abdullah Bin Zayed ayaa sheegay in dalkiisa uusan hayn wax caddeyn ah oo si cad u sheegi kara dalkii ka dambeeyey weeraro lagu qaaday maraakiib ku safrayey biyaha gacanka dhowr toddobaad ka hor.
Bin Zayed oo warkan ka sheegay magaalada Moscow oo uu booqasho ku joogay ayaa yidhi

 

SI AAN MAS’UULIYAD ARRINTAN DUSHA UGA SAARNO DAL, WAA INAAN HELNAAN CADDEYN BUUXDA OO AAN SHAKI KU JIRIN, TAASINA WELI MA HAYNO.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker