Jigjiga oo si aad ah looga faaloodey qoraal uu qoray Madaxweyne Mustafe Ku Sheegay Sida soomaalida deegaanku!!!!!

Jigjiga oo si aad ah looga faaloodey qoraalkii Madaxweyne Mustafe Ku Sheegay Sida soomaalida deegaanku!!!!!

Magaalada jigjiga ee Xarunta u ah Ismaamulka Dawladd deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa si aad ah looga hadalhayey qoraal si farshaxan ah loo soo dhigey, oo Madaxweynaha deegaanku Mustafe Cumar Muxumed isku barbar dhigey sida ay had iyo jeer qeybo kamid ah dadka deegaanku u suul-dhabaaleeyaan islamarkaana, dhinac khladan uga joogsadaan talaabooyinka iyo xaaladaha kasoo kordha Dawladda federaalka, kaas oo Madaxweynuhu tusaalayaal ugu soo qaatey Duruufihii laga soo gudbey, iyo jawaabihii ay barbar wadeen sida dagaalkii tigreega iyo dawladda.

Waxaannu qoraalka Madaxweyne Mustafe kor u qaadey, hadalheynta iyo faalooyinka maalmihii u dambeeyay ku wajahnaa ciidamada gaarka ah ee deegaanka, oo Madaxweynuhu ku sheegay in dib u habeyn lagu sameynayo.

Madaxweyne Mustafe Cumar oo nuxurka qoraalkan sitoos ah ugula hadlayey mucaaridkiisa gudaha iyo dibada deegaanka oo ay qeyb ka yihiin shacab iyo siyaasiyiin badan oo taageersanaa siyaasada Maamulkii ka horeeyay, iyo kuwa si kale u saluugsanba waxa qoraalkiisa xiisa gaar ah u yeelay, qoddobka uu ku barbardhigey in ay hadda joogaan wegerta ah “aann duurka galo oo dagaalano sida Axmaaradana diidno”

Sikasta oo xaalku yahey Madaxweynaha deegaanka soomaalida Mustafe Cumar Muxumed, ayaa Marka la barbar dhigo laf ahaantiisa maamuulkii ka horeeyay, boqolkiiba boqol uga wanaagsan shacabka deegaanka, inkastoo si aad ah loogu dhaliilayo xiligan in aannu cadaalad ahaan, waxba ka badelin hab-macaamilkii Gobolada iyo Degmooyinka ee raggii ka horeeyay jidkoodii, taas oo ka badelan innuu Waxbadan ka gaabiyey talaabooyinkii laga filayey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker