Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Shaqadii ka Eriday Laba Boqol Oo Masuul

Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Shaqadii ka Eriday Laba Boqol Oo Masuul

Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shaqadii laga eryey laba boqol oo masuul oo ah kuwo la soo magacaabo, kadib markii qiimayn lagu sameeyay xafiisyadii ay shaqada ka hayeen.

Mas’uuliyiintaasi labada boqol ah oo mid walba xafiiskii uu ka hawlgalayey lagu sameeyey qiimeyn ayaa mid waliba lagu helay eed u gaar ah, qaar musuqmasuq, qaar shaqo xumo, qaar maamul xumo, qaarna habsan shaqo iyo masuuliyiin kale oo khaladaad shaqo lagu helay.

Qiimeynta lagu sameeyo masuuliyiinta madaxdu soo magacowdo ee xilalka loo dhiibo ayaa guddi madax banaani ku samaysa qiimeyn ku saabsan masuuliyada ay dadka u hayaan, waxaana lagu kala saaraa shaqadii loo egmaday inay si fiican u guteen iyo in ay dayaceen.

Shaqo la eridu maaha markii ugu horeysay ee hore sidan oo kale waxay u dhacday laba jeer oo kala ah mar waxay ahayd wakhtigii Iid Daahir madaxweynaha ka ahaa 1996 oo la eryey illaa laba kun oo masuul oo shaqo xumo lagu eryey, marka labaad waxay ahayd xilligii Daa’uud oo isna qiimeyn uu sameeyey darteed lagu eryey illaa kun qof .

Nidaamkan qiimeynta ah waxa sameeyey Ra’isal wasaarihii hore ee Itoobiya Males Zanaawi, waxaanu ugu tallogalay dardargalinta shaqo iyo in masuuliyiinta xilalka haya la qiimeeyo oo uu shaqadda u qaranka u hayo lagu qiimeeyo qaabka uu u shaqeeyo.

Sidoo kale, waxa uu sameeyey nidaam adag oo shaqo, waxaana Itoobiya ku soo kordhiyey in qofkii laaluush bixiya iyo kii qaadaba muddo shan sanno oo xadhig ah uu mutaysto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker