Hoggaamiye Kooxeed Hore oo loo magacaabay xil wasiirnimo

Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan, Cabdalla Xamdook ayaa isku shaandheyn cusub oo uu ku sameeyay golihiisa wasiirrada waxa uu xilka wasiirka maaliyadda ugu magacaabay Jibriil Ibraahim, oo ahaa hoggaamiyaha kooxda fallaagada ah ee gobolka Darfur, oo lagu magacaabo “Dhaqdhaqaaqa caddaaladda iyo sinnaanta”.

Xamdook ayaa isku shaandheynta xukuumaddiisa ku shaaciyay shir jaraa’id oo uu qabtay 8-dii bishan February.

“Tallaabada wax looga baddalay xukuumadda waxay ku saleysan tahay tirokoob siyaasadeed, ujeeddada ugu weynna waa in dalka laga badbaadiyo burbur,2 ayuu yidhi Xamdook.

Ra;iisul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in dowladda cusub ay u hoggaansami doonto mabaadiidii saldhigga u ahaa kacdoonkii bishii December ee sanadkii 2019-kii, wuxuuna qiray horumarradii ay sameysay xukuumaddii hore.

Guulaha ugu waaweyn ee dowladda ay soo hoyisay ayuu sheegay in ay ka mid tahay in Suudaan laga saaray liiska waddamada maalgaliya argagixisada.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker