Ma Telefoonkaaga Oo Ku Basaasaya Ayaad Jeebka Ku Sidataa?

Dad badan, ayaa teleefoonada smartphone-ku waxa ay u yihiin daaqad ay kala socdaan caalamka. Bal kawarran se haddii uu halis ku yahay noloshaada khaaska ah?

Waligaa ma kuugu soo dhacday xaqiiqada ah iin basaas uu jeebka uugu jiro?

Bal qiyaas haddii dadka wax jabsadaa ay software ama barnaamijyada wax basaasa ku shubtaan telefoonkaaga kaas oo galaangal u siinaya in ay la socdaan wax kasta oo adiga kuugu saabsan?

Waa hagaag, taasi ma ahan wax lala yaabo, waxaana jira caddaymo muujinaya in uu jiro barnaamij software ah oo loo adeegsado in lagu daba galo saxafiyiinta, dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada iyo garyaqaanadda ku sugan daafaha caalamka.

Balse su’aashu waxay tahay yaa arrintan sameeya? maxay se u sameeyeen? maxaase laga qaban karaan basaaskan jeebka inoo ku jira?


Kaamerooyinka Taleefoonada ayaa la sheegay in ay yihiin sida isha oo kale oo waxwalba ay qabtaan

Mike Murray waa Khabiir ku takhasusay ammaanka kombuutaradda iyo shabakadaha oo ka hawlgala sharikadda Lookout oo ku taal San Francisco, oo ah sharikad caawisa xukuumadda, iyo ganacsatada si ay telefoonadoodu ammaan u ahaadaan.

Waxa uu sharxayaa sida uu u shaqeeyo oo uu u horumarsan yahay barnaamijkaan basaasnimada loogu talagalay. Barnaamijkan Software ka ah ayuu sheegay in sida hubka uu u khtar badan yahay, waana in iibkiisa la adkeeyaa.

“Qofka adeegsanaya barnaamijkan software-ka ah waxa uu kaa raadin karaa GPS,” ayuu yidhi Mike.

“Waxa ay maamuli karaan microphone-ka iyo camera-da taleefonkaaga, waxayna ku aaddin karaan meesha ay rabaan, waxay sidoo kale duubi karaan waxay doonaan oo hareerahaaga ka dhacaya. Waxa ay sidoo kale galaangal u yeelan karaan App kasta oo baraha bulshada aad ku isticmaashid, waxaa softaware kaas lagu xadi karaa dhammaan sawirradaad, telefoonada kuu jira, xogta calender-kaaga, Email kaaga iyo dukumentiyada ama warqadaha kasta oo aad haysatid”.

“Waxa uu telefoonkaagu isu baddalayaa aalad wax lagu dhagaysto, waxayna kula socon karaan waxa kasta oo aad ku hawllan tahay” ayuu yiri.

Barnaamijka wax lagu basaaso ee Spyware sannado badan ayuu jiray, balse saas oo ay tahay waxaan galaynaa duni cusub.

Halkan waxaan ku sharaxeynaa tusaalooyin dhacay oo muujinaya sida khaldan ee loo adeegsan karo Taleefoonada gacanta.

Qabashadii ninka daroogada ka ganacsan jiray ee Mexico

Ninka daroogada ka ganacsada ee u dhashay dalka Mexico, El Chapo wuxuu ahaa nin hanti badan leh oo ammaankiisa na aad u ilaaliya.

Hasa yeeshee markii uu ka fakaday xabsiga wuxuu baxsad ahaa lix bilood, oo ay ilaalinayeen koox ay xiriir leeyihiin, wuxuuna isgaarsiin ahaan u adeegsan jiray taleefoon ay adag tahay in waxbadan laga ogaado oo la dabagalo.

Balse Dowladda Mexico ayaa la sheegay inay soo iibsatay qalab casri ah oo horumarsan, kaas oo u suurtagaliyay inay xog ka helaan kuwa ka ag dhaw isaga oo kadiban u sahashay in isaga gacanta lagu dhigo.

Qabashadiisa waxay muujisay sida barnaamijyadda tiknolojiyadda ay muhiim u yihiin sida looga hortagi karo argagixisada iyo fal dambiyeedyada qorsheysan, noolasha dad badan na la badbaadin lahaa haddii shirkadaha tiknolojiydadda ay waxbadan ka ogaan lahaayeen taleefoonada ay adag tahay in loo dhaco.

Nin u dhaqdhaqaaqa arrimaha xuquuql insaanka oo la bartilmaameedsaday.

Axmed Mansuur oo ah nin caan ka ah bariga dhexe, kana shaqeeya arrimaha xuquuqul insaanka ayaa in muddo ah ba waxaa bartilmaameedsanayay dowladda Imaraatka. Sanadkii 2016-ka wuxuu helay farriin uu ka shakiyay, kadibna wuxuu la wadaagay sheybaarka caanka ah ee darsa arrimaha Tiknolojiyadda.

Shirkadda The Citizen Lab ooadeegsaneysa taleefoon kale oo iphone ah ayaa waxay gujiyeen tixraac loo soo diray Axmed, balse waxay la kulmeen arrin ka yaabisay. Waxay arkeen in taleefoonkii ay adegsanayeen xog badan laga la baxayo oo la maamulanaya ba.

Taleefoonada iPhone oo la sheego inay yihiin kuwa ay adag tahay in loo dhaco ama la jabsado ayaa barnaamijka spyware wuxuu muujiyay in nidaamka shirkadda Tiknolojiyadda ee Apple ay wali wax ka khaldan yihiin, waxaan taas ay keentay inay dib u habeyn ku sameyaan taleefoonada ay sameyso shirkadaas.

Ilaa iyo hadda ma cadda waxa laga la baxay taleefoonka Mansuur, balse markii dambe waa la xiray oo waxaa lagu xukumay 10 sano oo xarig ah.

Safaaradda Imaraatka ee London ayaa BBC-da u sheegtay in laamaha ammaanka ee dalkaas ay marwalba u hogaansamaan shuruucda caalamiga iyo kuwa u gaarka ah dalkaas, balse kama aysan hadlin arrimaha la xiriira sirdoonka dalkooda.

Wariyihii la bartilmaameedsaday

Bishii Oktoobar ee sanadkii 2018-ka, wariye Jamal Khashogg ayaa waraaqo u doontay safaaradda Sacuudiga ee Istanbul, balse dib uma soo noqonin oo waxaa dilay Dowladda Sacuudiga.

Nin ay saaxiibo yihiin Khashoggi oo lagu magacaabo Cumar Cabdulaziz, ayaa sheegay in taleefonkiisa loo dhacay, arrintaas na looga shakiyay Dowladda Sacuudiga.

Waxaa uu sheegay in taleefoonka Khashoogi ee loo dhacay ay dowr weyn ku lahayd dilkiisa, maadaama Dowladda dalkaas aysan ku qnaacsanayn qaabka uu u taxliilin jiray siyaasadahooda.

Gorma ayaa laga hortagi doonaa xogta dadka ee loo dhaca?

Dadka aqoonta gaarka ah u leh Tiknolojiyadda waxay qabaan fikir ah in sida kaliya ee arrintaas looga hortagi karo ay tahay in la hindiso barnaamij boqolkiiba boqol aanan la jabsan karin, waxaana haddii taas laga meel gaaro ay shegeen in aysan jiri doonin dadka ka dacwooda in xogtooda loo dhacay.

 

Source: BBC Somali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker