In ka badan 5300 oo qof oo ku geeriyooday daadadka Liibiya

In ka badan shan kun iyo sadex boqol oo qof ayaa ku dhintay daadadka ku soo rogmaday Bariga dalka Liibiya iyadoo ay weli socdaan howlaha lagu samatabixinayo dadka ku nool aagaas.

Meydadka dadkaas ayaa laga helay magaalo xeebeedka Derna, badankoodna waxaa la soo dhigay waddooyinka si ay dadka ehelka ah u aqoonsadaan dadkooda.

Laba buundo ayaa magaaladaas ku dumay Axadi kadib markii ay ku dhufatay duufaan.

Wasiirka duulista hawada dalkaas ayaa sheegay, in tiradu intaas ka badan karto ama xittaa ay laba jibaarmi karto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker