Xildhibaan Laga Eryaay Barlamanka Japan

Yoshikazu Higashitani oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamanka dalka Japan ayaa guud ahaan laga caydhiyey xubinnimadii Baarlamaanka ka dib markuu soo xaadiri waayey fadhiyadii dhammaan Goluhu lahaa.
Ninkan oo ah Youtuber caan ah isla markaana ay ku xidhan yihiin dad aad u badan ayaa lagu eedeeyey in uu baal maray xeer hoosaadkii golaha iyo in uu bartiisa Youtube ka aflagaadeedeyey dad caana oo dalkaas u dhashay.
Sidoo kale shir guddoonka ayaa ninkan ku eedeeyey in uu diiday raalli gelin laga dalbaday oo la xidhiidhay dad uu sumacad dil ku sameeyey.
Balse Yoshikazu Higashitani oo haatan ku sugan magaalada Dubai ayaa ku doodaya in uu cabsi ugu noqon waayeyy dalkiisi.
Waa Xildhibaankii koowaad ee laga eryo Baarlamaanka Japan tan iyo 1950 kii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker