Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay yeedhmadii booliska ee guddomiye Xirsi
Wasiirka wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada Somaliland Dr. Cabdiwali Sheekh Cabdillaahi Suufi, ayaa yeedhitaanka booliiska ee guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan ku tilmaamay wax sharci ah oo iska caadi ah.
Waxaanu yidhi.โGuddoomiye xisbi ayay u yeedheen ciidanka boolisku, warqad ayaa loo keenay, si sharafleh ayaa loogu yeedhay, si sharafleh ayuu u tagay, si nabad ah ayuu kusoo noqday, intaasina waa inta uu sharcigu ogolโyahayโ.
Wasiir Suufi ayaa sheegay in aanay is qabanayn in madaxda xisbigu ay dambi baadhista horteeda ka yidhaahdaan madaxweynuhu waa macangag iyo in aan waxba loogu raacin oo ay si nabada ku tagaan.
Waxaanu yidhi.โMadaxda xisbigu waxay layf (toos) kasoo galeen CID-da horteeda iyagoo leh waddanka dhigtaytar (macangag) ayaa qabsaday, haddana cid ka daba tagtay iyo cid wax tidhi midna ma jirin, markaa waxay noqonaysa suโaashu tolow qofkani waxan uu leeyahay iyo waxan uu samaynayo maanu iska warqabinโ.
Waxa uu sheegay in guddoomiyuhu uu yahay muwaadin, waxna la suโaali karo โGuddoomiyuhu waa muwaadin, hayโaddaha amnigu way u yeedhi karayaan isaguna wuu is difaaci karayaa, wax dhib ah oo halkaa ka jiraa ma jiroโ.