Furriinka Bill iyo Melinda: Sidee ayay u kala qeybsadeen hantidooda?
Bill iyo Melinda Gates ayaa ku heshiiyay in ay kala qeybsadaan hantidooda, ka hor inta aanay Isniintii shaacin furriinkooda, sida ay sheegtay warbaahinta Maraykanka.
Lammaanaha bilyaneerrada ah ayaa wada joogay 27 sano, waxaana lagu soo warramay inay kala saxeexdeen heshiis caddeynaya sida ay u qeybsanayaan hantidooda,Bill iyo Melinda ayaan gelin heshiis hantida u kala soocaya markii ay is guursanayeen sanadkii 1994.
Lammaanaha ayaa maamula hay’adda Bill & Melinda Gates Foundation, oo balaayiin doollar ku bixisa hawlaha samofalka ee ay ka qabato daafaha caalamka.
Waxa ay ballanqaadeen in ay ka sii wada shaqeyn doonaan hay’adda marka ay sida rasmiga ah u soo afjaraan guurkooda.
Bill Gates ayaa hadda ah ninka afaraad ee ugu taajirsan caalamka, waxaana uu haystaa 124 bilyan oo doolar, sida ay shaacisay majalladda Forbes.
Waxa uu dhaqaalaha ka sameeyay shirkadda uu wax ka asaasay ee Microsoft, oo ah tan ugu weyn ee samaysa barnaamijyada Software-ka ee ay ku shaqeeyaan kumbuyuurarrada.
Hantida maguurta ah ee lammaanaha ayaa la rumaysan yahay inay ka mid yihiin guryo ku yaal Washington, Florida iyo Wyoming. Aqalkooda u weyn ayaa la sheegay in uu yahay mid saaran harada oo ku yaal xaafadda Medina ee Washington, kaasoo qiimihiisa lagu sheegay ugu yaraan 127 milyan oo doolar.