Mudaharaadyo balaadhan oo ka socda wadanka Zimbabwe iyo mucaaradka oo qaadacay natiijada hordhaca ah Ee Doorashada.

Harare-(OWN)-Wararka inaga soo gaadhaya caasimada dalka Zimbabwe ee harare ayaa waxay sheegayaan in mudaaharaad rabshado wata uu halkaasi ka socdo taasi oo la xidhiidhta natiijada hordhaca doorashada.

Xisbiga mucaaradka ah ee MDC taagerayaashooda ayaa waxay gaashaanka u daruureen natiijada hordhaca ah ee doorashada iyadoo badi kuraasta barlamaanka uu ku guuleystay xisbiga Zanu-PF oo uu hogaamiyo Emmerson Mnangagwa.

Laamaha amniga ayaa la soo dhoobay magaalada caasimada ah ee harare waxaana dibad baxyada ay u adeegsanayaan sunta dadka ka ilmeysiisa ee loo yaqaan Tear Gaz.

Inta la ogyahay hal ruux ayaa ku dhintay dibad baxa rabshadaha wata ee ka socda magaalada Harare.

Emmerson Mnangagwa ayaa ugu baaqay taagerayaasha mucaaradka in ay daganaan muujiyaan oo ay ku qancaan natiijada gudiga doorashada.

Mucaaradka MDC ayaa ku eedeyay dowlada in ay ku shubatay doorashada Zimbabwe

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker