Maayirka Magallada Burco Mohamed Muraad Waa Mid Ka Mid Ah , Maayirada Ay Ragaadisay Musuq-Maasuqa Iyo Aqoondarada Iyo Waliba Xilka Uu Hayo Oo Ka Awood Badiyay.

Maayirka degmada burco waa muraade ayaa ku fashilmay waajibaadkii ay uu doorteen shacabka gobolka togdheer’ sida aynu wada ogsoonahay waxa golayaasha deegaanka ee dalka la doortay daba yaaqadii sanadkii 2012 waxana wakhtigaas la filayey inay is bedel hor leh ku sameeyaan degmooyinka dalka.
Haddaba maayir muraad waxa uu la daalaadhacayaa awood daro haysata awgeed waxaana ka culus kursiga uu ku fadhiyo wax uu ka qabtay iyo wuxuu uqabtay toona majirto mudadaa uu xilka hayay sumacad darana wuu kaga tagayaa xilkiina waxa uu kaga dhamaaday sidii uu u lahaa shacabka reer burco maayirka Gobolka saaxil ayaa qaada cashuurtiinii!!!

Waxa kale oo dul hoganaya eedaymo iyo fadeexado balaadhan oo uu ugaystay qaarkamida bulshada gobolka togdheer isaga oo ah maayirka gobolka togdheer halka uu wax badan gobolka ka bedeli lahaa, waana tan keentay in gobolku noqdo mid ka aradan gebi ahaanba hor-u-markii looga baahnaa inay dawladda Hoose ee degmaddu samayso wax horumar ah tan iyo intii uu qabsaday xilka maayirnimo.
Waxa uu musu maasuqay dhamaanba ilihii dhaqaale ee gobolka isaga oo dhac iyo boob cadaan ah u isticmaalay khasnado gaar ahna u samaysay.
Majirto wax mashaariic ah ama wax qabad ah oo uu qabtay intii uu xilka hayay balse waxa uu ku mashquulsan yahay ka shaqaynta sidii uu isugu dirilahaa maayirka Gobolka saaxil iyo Bulshadiisa si uu isaguna isaga jeediyo indhaha shacabka uu maayirka u yahay si aanay u ogaanin wax qabad la’aantiisa iyo musuqmaasuqiisa baahsan ee xadhkaha goostay.

Haddaba waxaan odhanlahaa muraad mar waa kuu ceeb marna waa kuu cay inaad tidhaahdo maayir cidin ayaa cashuurtiina ku qaada berbera kudayo ha xaasidine maayirka qayrkaaya ee u shaqeeyay shacabkiisa adiguna ushaqee shacabkaaga oo ka soo bax waajibka ku saaran ee bulshada.
W/Q: Abdirisak Yusuf Dahir
Abdirisak025@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker