Wiil Soomaali ah oo wiil kale oo Soomaali ah toogasho ku dilay gobolka Minnesota

Waxaa magaaladda Eagan gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka lagu dilay wiil Soomaali ah habeenkii Sabtidda. Ciidanka booliiska magaaladda Eagan ayaa sheegay in uu Faisal A. Abukar, da’adiisuna tahay 33 sanno uu yahay qofka toogashadda lagu dilay habeenki Sabtidda ay bisha December 18, 2021 ahayd.
Sidoo kale Ciidanka booliiska ayaa sheegay in ay qabteen oo ay gacanta ku hayaan qofkii dilka geystay. Sakaria Osman Ahmed oo jira 31 sanno ayaa ah qofka dilka u geystay Faisal. Sakaria ayaa goob ganacsi oo ah (gas station) ku toogtay Faisal, keddibna baabuur ku cararay.
Haddaba Ciidanka Booliiska magaaladda Eagan ayaa sheegay in ay cayrsadeen Sakaria, markii ay in mudo ah cayrsanayeena uu baabuurkii shil la galay oo uu meel ku dhacay. Booliiska ayaa sheegay in Sakaria uu baabuurka ka degay oo uu cararay markii uu shilka ku galay balse ay qabteen.
Sakaria Osman Ahmed ayaa hadda ku xidhan xabsi ku yaala Degmadda Hennepin ee gobolka Minnesota, waxaana maxkamadii ugu horeysay uu ka hor muuqan doonaa maalinta Talaadada ay bisha December tahay 12/21/2021.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker