Badhasaabka Sool Oo Digniin U Diray Odayaasha Degaanka Adhi-cadeeye
Badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa digniin adag iyo fariin u diray odayaasha iyo waxagradka iyo bulshada deegaanka Adhi-cadeeye ee gobolkaasi.
Waxaanu badhasaabku sheegay aanay mar danbe uga dul qaadanaynin, isla markaana aanay u dhici doonin in dad Maato ah lagu laayo qorshaha ay sitaan dhalinyaradda hubaysan ee beeluhu.