Siyaasi CC Shakuur oo Markii ugu Horraysay Villa.Somalia

Muqdisho (OWN) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si weyn u dhaliila dowladda federaalka ah ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa muddo kadib, saaka tegay dhismaha xarunta Villa Soomaaliya.

 

Wararka ayaa sheegaya in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu kulan gaar ah la qaadan doono Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

 

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadli doono arrimo xasaasi ah, sida doorashooyinka iyomarxaladda kala guurka ah ee uu haatan ku jiro dalka.

Kulankan ka dhacay madaxtooyada Qaranka ayaa si aad ah loo hadal hayaa, maadaama hoggaamiyaha xisbiga Wadajir saddexdii sano ee la soo dhaafay uusan tegin halkaasi.

 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa marar badan fagaare kala duwan ka weeraray Villa Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha, iyada oo arrintu ka sii dartay markii la weeraray xarunta xisbigiisa oo lagu dilay qaar ka ka mid ah ilaaladiisa.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shalay helay kalsoonida golaha shacabka ayaa wada kulamo wada-tashiyo ah oo ku aadan sidii uu u soo dhisi lahaa xukuumad tayo leh.

 

Somalia ayaa isku diyaarineysaa doorashada baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha oo ay heshiis rasmi ah ka gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker