Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo ka Hadlay Caruur Walaalo ahaa oo si arxan daro ah loo dilay Muqdisho
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Gashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa ka warbixiyay dhacdo lagu dilay laba Carruur Walaalo ah oo ka dhacday Aaga Weeydoow degaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ayaa sheegay inay soo xireen ninka qabay hooyada dhashay caruurta la dilay iyo iyada, kuwaas oo lagu haayo xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da.
Afhayeenka ayaa sido kale tilmaamay in dilkaas Carruurta loo geystay uu ka dambeeyo qof qoyska Reerka ka tirsan, wuxuuna sheegay in Carruurta la daldalay kadibna Afka Carro looga shubay. Waxa una Afhayeenkau intaa haalkisa ku daray inay wadaan baaritaano la xiriira sida uu falkaasi u dhacay, isla markaana wixii kusoo kordha ay Warbaahinta la wadaagi doonaan.
Sakay ayay ahayd markii meydka ah Wiil iyo Gabar walaalo ah da’doodu kala tahay 7 jir iyo Shan jir lagu arakay Xaafadda Jaamacadda Shabeelle oo ka tirsan degaanka Garasbaaleey ee duleedka muqdisho.