Daawo Nin Soomali Ah Oo Doonayay inuu Gaadh ka dhaco difaaca Arsenal
Xiddigga kooxda Arsenal Gabriel Magalhaes ayaa dagaal la galay nin isku dayay inuu dhac u geysto gaadhigiisa oo yaallay meel gawaarida lagu xareeyo.
Muuqaal ay duubtay kameerada ammaanka ee CCTV oo toddobaadkii hore laga shiday maxkamad ayaa muujineysa nin 23 jir cayaratoy ah oo iska difaacaya burcad kaddib markii gaadhigiisa oo ah nooca Mercedes qiimihiisuna yahay ยฃ45,000 uu dhigay meesha gawaadhida la dhigo ee ka tirsan gurigiisa oo ku yaalla Barnet, waqooyiga London.
Arrintan, oo dhacday bishii August, ayaa sababtay in mid ka mid ah burcaddaas oo lagu magacaabo Cabdirxamaa Muuse oo la rumeysan yahay inuu yahay Soomaali- British ayaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah.