Jabhada TPLF Oo Ka Qaylisay Dayuuradaha Droneska ee ay Ciidamada Itoobiya U Isticmaalayaan.

Jabhada TPLF ayaa walaac ka muujisay dayuuradaha Droneska ee ay dagaalka u isticmaalayaan ciidamada Itoobiya.

Khasaare culus ayaa la sheegay in kooxda TPLF uu ka soo gaadhay weeradada cirka ah ee ay fuliyeen dayuuradaha Droneska ciidamada Itoobiya, kuwaasoo sababay in dib looga saaro magaalooyin badan oo ay u qabsadeen.

Qoraal TPLF u dirtay Xoghayaha guud ee Qaramada Middoobay ayay kaga codsadeen in tallaabo laga qaado dalalka Itoobiya ku taageeray dayuuradaha Droneska oo ay sheegeen iney collaada dalkaas sii hurrinayaan.

Dalalka ay sheegen inay Itoobiya ku taageraayaan hubka waxaa ka mid ah: Imaaraadka, Iiran iyo Turkiga.

TPLF waxay QM u soo jeedisay in duqaymaha loo aqoonsado dambiyo dagaal oo ka dhan ah xuquuqaha aadamiga, lana joojiyo dalalka Itoobiya hubka ka iibinaya ee burburinaya dalka.

Waxaa joogsaday Socodkii Jabhada TPLF oo markii hore guulo badan ka gaadhay dagaalka tan iyo markii RW Itoobiya oo iska xaadiriyey furumaha dagaalka taasoo kor u soo qaaday moralka ciidamada.

Milateriga Itoobiya oo gacan siinaya maleeshiyaad maxali ah ayaa ku guuleystay iney guud ahaan degaanka cafarta ka saaraan xoogaga TPLF, sidoo kale waxaa dib looga qabsaday kooxdan magaalooyin ka tirsan gobolka Axmaarada, iyadoo ciidamada Itoobiya sheegeen iney ka baxeen xaaladii isdifaaca ay wixii hadda ka dambeeya yihiin weerar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker