Wefti ka socday Somaliland oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Guddaha ee Djibouti mudane Said Nuux oo ku qaabilay xafiiskiisa.

JABUUTI(OWN)  Wefti ka socday Jamhuriyadda Somalilanad oo hawlo shaqo u jogay dalka Jamhuriyadda Jabuuti ayaa kulan la yeshaay Wasiirka Arrimaha Guddaha ee Djibouti mudane Said Nuux oo ku qaabilay xafiiskiisa.

Waxaan shirka ka soo qayb galay Cornelle Abdillahi Abdi Farah oo ah taliyaha Ciidanka police ee Djibout iyo guddoomiyaha Hay”adda barakacayaasha iyo qaxootiga Djibouti Mudane Hussein Dharaar iyo la-taliyayaal ka Kala socday labada dhinac. Intaas ka dib wefti waxay booqasho ku tageen Safaarada Somaliland ee Djibouti Xalay na waxaa ay kulan la yeesheen Hay”adda Aduunka u qaabilsan Qaxootiga ee U.N.C.H.R oo shir uga socday shantii cisho u dambaysay Djibouti oo isna ku soo dhamaaday is af garad

 

Inta waftigani ay Jabuti joganaa waxaa u qorshaysan inay kulamo la yeshaan masuliyinta jabuti iyo hayadaha calamiga ah ee ku sugan dalka Jabuti,

Kulankan & kulamo badan oo ka horeeyey waxaa kasoo shaqeeyey safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed oo kaalin muhiim ah ugu jira qaranka marka la eego hawlaha muhiimka ah ee uu dalka uga qabto wadanka Jabuuti hadii ay noqon lahayd dhinacyada dublamaasiyada & xidhiidhka labada dal & weliba dhinaca horumarka ,

o

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker