Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo damiyay dab qabsaday guri ku yaala xaafada Hargeysa.
Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ayaa damiyay dab qabsaday guri ku yaala xaafada 150, kaasi oo ay yaaleen qalab dhisme.
Nooca guriga ayaa fooq , waxaana ay alaabtu taalay Qol istoodh ah oo ku yaala barxada hore ee guriga.
Ciidamada ayaa ku guuleystay inay dabkaas xakameeyaan , sidoo kalena badbaadiyaan intii badnayd hantidii goobtaas taalay.
Dhanka kale ciidanka ayaa dabkaas ka xakameeyay guriga intiisa kale, maadaama oo dabku ahaa mid aad u fidiyay.
Mulkiilihii lahaa hantidaa ayaa u mahadnaqay ciidanka Dab-demiska, waxaa iyaguna hawlgalkaa goobjoog ciidanka Booliska ee degmada Ibraahim Koodbuur.