Wadamada Iraq Iyo Afghanistan Oo Kaliya Ayaa Ka Hooseeya Soomaaliya Qiimeynta Baasaboorada Caalamka.
Warbixin ay soo saartay sanadkan 2019 hay’ad qiimeysa sanad walba baasaboorada caalamka Henley Passport Index, ayaa lagu soo bandhigay wadamada ugu horeeya ee Baasabooradooda lagu tagi karo dalalka badan iyo kuwa ugu hooseeya.
Warbixintan, ayaa Muujineysa in Baasaboorka dalka Japan lagu tagi karo 190 Wadan, taasoo ka dhigtay inuu kaalinta koowaad ka galo Baasaboorka ugu wanaagsan dunida.
Baasaboorka Somaliga, ayey Warbixintan sheegeysaa in lagu tagi karo 32 Wadan, isagoo qiimeynta kaga jira kaalmaha ugu hooseeya Waloow Wadmaada Ciraaq iyo Afghanistan ay ka hooseeyaan, Kuwaasoo lagu tagi karo 30 dal oo kaliya.
Tobanka Dal ee ugu horeeya Baasaboorada Caalamka iyo Wdaamada lagu tagi karo:
- Japan (190 wadan )
- Singapore, South Korea (189)
- France, Germany (188)
- Denmark, Finland, Italy, Sweden (187)
- Luxembourg, Spain (186)
- Austria, Netherlands, Norway, Portugal, Switzerland, United Kingdom, United States (185)
- Belgium, Canada, Greece, Ireland (184)
- Czech Republic (183)
- Malta (182)
- Australia, Iceland, New Zealand (181)
Tobanka dal ee ugu hooseeya Baasaboorka iyo dalalka lagu tagi karo:
- Palestinian Territory, Sudan (39 wadan )
- Eritrea (38)
- Yemen (37)
- Pakistan (33)
- Somalia, Syria (32)
- Afghanistan, Iraq (30)