Ahlu Sunna oo Dawlada Federaalka ah ee Somalia ku Eedeysay inay u Afduubtay Doorashada Galmudug

Dhuusamareeb (OWN) โ€“ Warsaxaafadeed xalay saqdii dhexe ay soo Saartay Ahlu Sunna ayaa waxaa lagagย  hadlay xaaladda Galmudug, gaar ahaan Arrimaha Doorashada iyo dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda maamulkaasi.

 

 

 

Qoraalka oo uu ku saxiixnaa Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shakir Cali Xasan, kana mid ah Hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa lagu sheegay in dadka reer Galmudug ay marti ka noqdeen dhisamaha maamulkaasi, islamarkaana howlaha maamul dhisida ee ka socda Dhuusamareeb ay isku soo koobtay dowladda Soomaaliya.

 

 

 

Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa dowladda dhexe ku eedeysay inay u afduubtahay doorashada, islamarkaana ay ku xadgudbtay nidaamka federaalka, dastuurka dalka.

Ahlu Sunna ayaa sidoo kale dowladda ka dalbatay inay tixgeliso waxgaradka iyo sidoo kale daneeyeyaasha siyaasadda Galmudug.

 

 

 

โ€œDowladda federaalka waa inay tix galisaa waxgaradka iyo saamileyda siyaasadda Galmudug, taladaas oo ah sida ay wax ku hagaagayaan, Galmudug mid ahna ku dhismi karto.โ€ ayaa lagu yiri War-Murtiyeedka ka soo baxay xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir.

Ugu dambeyn Ahlu Sunna ayaa ku goodisay, haddii aysan dowladda bedalin sida ay haatan wax ku socdaan ay gudaha gali doonto dhismaha maamul kale oo loo dhan yahay.

 

 

 

โ€œDowladda federaalka hadii wax ka badali weyso sida ay wax ku wado, waxaan cadeynaynaa inago kaashaneyna dad reer Galmudug oo ay ugu horeeyaan odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kale inaan guda gali doono dhismaha maamul loo dhanyahay, kaas oo aan ku soo dhisi doono si waafaqsan dastuurka qaranka iyo kan Galmudug-ba, waxaana cawaaqib kasta oo dhasha arintaas masโ€™uuliyadiisa dusha u ridan doona dowladda federaalka.โ€ ayaa lagu soo gaba-gabeeyey qoraalka hoggaanka Ahlu-Sunna Waljamaaca.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker