Xafiiska Xuquuqul Insaanka JSL Oo Ka Falceliyay Kufsiga iyo Dilka Loo Geystay Hinda Cumar.
Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qoraal ay ku baahisay barta twitter-ka ku sheegtay inay ka xuntahay kufsi iyo dil loo geystay Hinda Cumar.
Gabadha la kufsaday kadibna la dilay ayaa markii ay musiibadan ku dhacaysay waxa ay saarnayd basaska dadweynaha.
Warbaahinta maxaliga ayaa sheegaysa in qoyska Marxuumad Hinda Cumar ay sheegeen in meydka markii hore lagu sameeyay baadhitaan, kadibna la ogaaday in inta aan la dilin la kufsaday
Xafiiska ayaa walaac ka muujiyay falalka kufsiga ee sii kordhaya waxayna sheegtay in Somaliland ay aad ugu yartahay wacyigelinta la xidhiidha kufsiga, sidoo kalana hay’adda ayaa sheegtay inaanay jirin isla xisaabtan dhab ah.